Maxaad ka taqaan weriyayasha cusub ee ku biiray Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da? [Sawirro]

Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da oo dhowaan shaqadeeda inta ugu badan loo soo wareejiyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa qaadatay weriyayaashii ugu badnaa ee mar qura la shaqaaleysiiyo.

Shaqaalahan ayay sheegtay BBC-da qeybta Soomaaliga in laga kala keenay degaanada Soomaaliya, inkastoo hore loogu eedeyn jiray inay shaqaaleysiiso Soomaalida Kenya oo muddooyinkii danbe noqday kuwa ugu badan.

Weriyeyaasha dhowaan ku biiray BBC-da waxaa ka mida:

Fartuun Ismaaciil Axmed weriye ka tirsan BBC
Fartuun Ismaaciil Axmed
Ad

Fartuun Ismaaciil Axmad, waxay ku dhalatay kuna soo barbaartay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Waxbarashada hoose, dhexe iyo sare intuba waxay ku soo qaadatay isla magaalada Muqdisho, waxayna markii danbe u wareegtay magaalada Nairobi, iyadoo loo qaatay barnaamij soo saare iyo war akhriye. Waxay BBC-da laanta Afsoomaaliya ku biirtay Jannaayo 2019.

Xassan Sheekh Cumar oo ka mid ah shaqaalaha cusub ee BBC
Xasan Sheekh Cumar

Weriye Xasan Sheekh Cumar ayay BBC sheegtay inuu kasoo jeedo gobalka Hiiraan, isagoo Warbaahinta wuxuu ku jiray in ka badan 10-sanadood, wuxuuna ka soo shaqeeyay Idaacado iyo TV, isagoo magaalada Nairobi fadhigiisu ahaa.

Faadumo Taxadar Yusuf weriye ka tirsan BBC
Faadumo Taxadar Yusuf

Faadumo Yusuf Siciid ( Taxadar) oo kasoo Xingalool ee Gobolka Sanaag, waxay ka mid tahay shaqaalaha cusub e BBC-da waxayna saxaafadda ku jirtaa muddo 1- sano ah, iyadoo kasoo shaqeysay idaacado gudaha dalka ku yaalla, iyadoo agaasime ka noqotay idaacad ku taalla Puntland.

Kowsar Maxamed oo ka mid ah weriyayaasha BBC Soomaali.
Kowsar Maxamed

Kowsar Maxamed oo kasoo jeeda magaalada Wajeer ee waqooyi beri Kenya oo saxaafadda ku jirta 4 san ayaa ka mida shaqaalaha cusub ee BBC-da. iyadoo hore uga soo shaqeysay idaacadaha gudaha dalka Kenya .

Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil oo ka mid ah weriyayaasha cusub ee BBC-da ku soo biiray sanadkan cusub
Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil

Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil ayaa isna biiray sanadkan shaqaalaha Laanta Afsoomaaliga BBC-da, wuxuuna kasoo jeedaa magaalada Burco ee Gobolka Togdheer. isagoo saxaafadda kasoo galay Warbaahint qoraalka. Wuxuu sanadkan ku biiray BBC.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

120,775FansLike
798FollowersFollow
2,967FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!