Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in heshiiskii maanta lagu gaaray degmada Doolow uu ahaa khiyaamo ay maleegeen, kadib markii 10 daqiiqo kadib la sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyay isaga. Wuxuu intaas ku daray in shir kale ay u fadhiyaan oo go’aan cad ka soo bixi doono.
Wuxuu sheegay in shan qodob ay ku heshiiyeen oo kala ah:
- In Baarlamanka sharci darrada ah ee Jubba dib loogu noqdo
- In Dastuurka dib loogu noqdo
- In caasimadda laga heshiiyo halka ay noqoneyso
- Dhinacyada isku khilaafsan dib u dhistaan dowlad ay u dhan yihiin
- Degmooyinka Jubba land ay yeelaneyso laga heshiiyo.
HOOS KA DHAGEYSO CODKA MAXAMED CABDI KALIIL
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]