Madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaam ayaa wasiiru dowle i magacaabay Gudoomiyihii hore ee gobolka Gedo Mudane Max’ed Cabdi Kaliil oo muddo dheer ay col ahaayeen isla markaana uu xilka gobolka Gedo ka qaaday isagoo u adeegsaday ciidamo Itoobiyaan ah.
Axmed Madobe ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in kadib tashiyo uu la sameeyay kuxigeennadiisa iyo gudoonka baarlamaanka uu go’aansaday in uu xilkaasi Wasiiru dowlaha Amniga u magacaabo Maxamed Cabdi Kaliil, isagoo intaas ku daray inuu ku kalsoonahay kartida iyo aqoontiisa.
Mudane Kaliil ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta Beesha Gedo ee Kismaayo tegay kadib heshiis dhex maray labada dhinac, wuxuuna ka soo jeeday qeybta Maxamud Zayid Aden oo isna madaxweyne ku xigeen loo magacaabay.
Goobjooge.com