
Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mas’uul ka tahay ammaanka, isla markaana ay tahay dowlad debacsan oo aan ogeyn inay xaalad dagaal ku jiro, loogana fadhiyo sugidda ammaanka dadkeeda.
Isagoo ka hadlayay weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Saxafi ayuu yiri: “Dowlada Xasan Sheekh waxaa loo doortay inay dalkan xaalada adag ku jira wax ka qabata, hadii ay wanaag tahay iyadaa qaadaneysa, haddii ay khaladaad dhacaan ama dhibaatada Sidan oo kale u dhacday iyada ayaa mas’uul ka ah” ayuu yiri Mudane Farmaajo oo mas’uuliyadda ammaan darrada dusha u saaray dowladda Xasan Sheekh Madaxweynaha ka yahay.
“Weerarada Alshabaab waxa soo celcelinaya waxaa qeyb ka ah daryeel la’aanta heysta ciidamada, xaqoodii aan la siineynin, dhaawacdoodii oon laga war qabin, ciidan sidaas ah ma qaadan karo waajibaadkiisii, dowladda ayaa laga rabay inay ciidanka daryeesho” ayuu mar kale ku dooday Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya.
Farmaajo oo xilka uga tegay tanaasul ay qorsheeyeen madaxweynihii iyo guddoomiyihii Baarlamaanka KMG ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka mida siyaasiyiinta taageerada ku leh Soomaalida isagoo dowladda hadda jirta aad ugu kacsan kadib markii doorashadii madaxweyne ee uu la tartamayay Xasan Sheekh uu ka helay codad aad u yar.
Goobjooge.com