Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa looga hadlay arrimaha Amniga, Qaxootiga iyo Ansixinta Hindise Sharciyeed kagu sheegay Ka-hortaga been xalaaleysiga sharci darada ah.
Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Sheikh Cali Diini ayaa ka warbixiyey arrimaha amniga isagoo tilmaamay in dowladu ay xoojinayso howlgalka ka dhan ka ah Al-shabaab, ciidamada ku jira aaggaga horena ay habeen iyo maalin u taagan yihiin difaaca dalka, iyagoo jab xun gaarsiiyey kooxaha nabad diidka oo weeraro ku soo qaaday meelo kala duwan sida uu yiri. Wasiirka ayaa ka hadlay safar gaabaan oo ku wehliyey Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo ay shalay ku tageen qaar ka mid ah furumaha ciidanka ee gobolka Shabeelada Hoose.

“Madaxweynuhu wuxuu kulamo la qaatay ciidanka iyo saraakiisha hogaamisa ciidamadaas, wuxuuna balan qaaday in ciidankii ka dagaalamay Awdheegle la siinayo abaal marin, ciidamada kale ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalkana dowladu markasta ayey u taagan tahay iney daboosho baahiyahooda qalab iyo nololeed.” ayuu yiri Wasiir Diini. Isagoo dhanka kale xusay in kooxaha nabad diidku ay weerar ku soo qaadeen Ceel Cade oo ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaasna looga laayey rag faro badan, waxaana dagaalkaas horumuud ka ahaa dadka deegaanka oo kaashanaya ciidanka milateriga.
Sidoo kale Golaha aya looga dooday hindise sharciyeedka ka hortaga been xalaalaysiga lacagaha sharci darada, sharcigaan ayaa ujeedkiisu yahay ka hortaga danbiyad ka dhashay lacagaha la xalaalaysto, iyo lacaga ay isu gudbiyaan dambiilayaasha, waxaana lacagahaas ka yimaadaan dalal shisheeye iyadoo aan la soo marsiin hay’adaha maaliyadeed ee dalka.
Dood dheer ka dib golaha ayaa soo jeediyey in lagu sameeyo sharcigaan dib u eegis, waxaana iska kaashanaya Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Lataliyaha Arrimaha Sharciga Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Khubaro ka socota Wasaaradda Maaliyadda.
Ugu danbayntii Wasiirda Hawenka Marwo Sahro Cali Samatay oo ka tirsan gudiga gargaarka qaxootiga ka soo qaxaya Yeman, oo golaha uga warbixisay howsha guddigu ay qabteen ayaa sheegtay iney ku howlan yihiin samaynta siyaasad lagu dhaqayo qaxootiga oo isugu jira, dad Yemaniyiin ah, dad jinsiyado kale sita iyo Soomaali qaxooti ku ahayd Yemen oo hada u soo barakacaya dalkooda,.
Shirarka Golaha wasiirada oo muddo hore hakad galay ayaa hadda u muuqda inay dardar yeeshaan tan iyo intii uu safarkii caafimaad dib uga soo laabtay ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte