Eheladda Axmed Dowlo ayaa sheegay inay cadaalad darro ka dhacday maxkamadda Gobolka Banadir, kadib markii qofkii abaabushay dilka hal sano oo xarig ah lagu xukumay, lana qariyey kiiskeeda, iyadoo dad kale oo qeyb ka ahaa dilka la sii daayey.
Maxamed Mukhtaar Saalax oo la dhashay marxuum Axmed Dowlo ayaa sheegay in maxkamaddana ay fasaxday dadkii baangadaha watay ee dilka Axmed Dowlo qeybta ka ahaa, nin kale oo dilka ka qeyb qaatayna aanba lasoo qaban oo uu magaalada dhinac ka joogo, wuxuuna cadaalad darro ku tilmaamay go’aanka Maxkamadda.
Wuxuu sheegay in dilka Axmed Dowlo ya soo abaabushay Hooyada lagu magacaabo Shariifo oo dhashay gabadha guursatay wiilka uu muranku ka dhashay, isla markaana maanta loo diiday inay maxkamadda tagaan oo albaabka laga soo celiyey.
HOOS KA DHAGEYSO KANA DAAWO