Sunday, July 13, 2025

Maxamed Xuseen Rooble oo noqday Mas’uulkii ugu sareeyay ee ka qeyb gala Tacsida Marxuum Cali Mahdi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa noqday mas’uulkii ugu sareeyay ka qeyb galay Gogosha tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii hore marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Rooble ayaa saxiixay buugga tacsida, wuxuuna la kulmay qoyska iyo qaraabada marxuumka, guddigii tacsida iyo odayaasha dhaqanka ee ka shaqeynaya tacsida marxuum Cali Mahdi Maxamed.

“Waxaan Soomaali oo dhan, qoyskii iyo eheladiisa uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh  marxuum Cali Mahdi Maxamed, Madaxweynihii hore. Waxaan Ilaahey uga baryayaa in uu qabriga u waasiciyo, aan ducada u badinno in uu ilaahey naxariistii janno geeyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hadal kooban ka jeediyay  goobta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyay  guddiyadii Aaska Qaran, Qoyska iyo duubabka  dhaqanka ee sida wanaagsan uga shaqeeyay  aaska madaxweynihii hore marxuum Cali Mahdi Maxamed, isagoo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay u duceeyaan marxuumka.

May be an image of one or more people, people standing and outdoors
May be an image of 1 person and standing

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON