Wednesday, June 25, 2025

Maxamud Sayid Aadan & Aw-Libaax oo xilal wasiir ka qabanaya xukuumada cusub ee Jubbaland

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Kismaayo, waxaa halkaasi ka socda dadaalkii ugu danbeeyay ee lagu magacaabayo golaha wasiirada maamulka Jubba oo Axmed Madoobe muddo kale loogu daray markii ay ka dhammaatay xilligii uu hore u heystay inuu ku magacaabo golaha wasiirada Jubbaland.

Sayid

Xubnaha ka mid noqonaya golaha wasiirada cusub ayaa la isla dhex marayaa iyadoo warar la xaqiijiyay ay sheegayaan in siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamed Cusmaan Aw Libaax  oo ka mid ahaa saraakiisha Ahlu suna ee Gedo loo magacaabayo xilal wasiir, ayna ka mid noqon doonaan golaha wasiirada cusub  ee Jubbaland.

Labadan nin oo Kismaayo tegay 10-kii bishan waxyar ka hor caleemo saarkii Axmed Madoobe ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda maamulka Axmed Madoobe, waxaana arrintooda la xaliyay kadib markii ay magaalada Muqdisho yimaadeen xilli ay Itoobiya ka soo masaafurisay Gobolka Gedo.

Magaalada Kismaayo waxaa ka jir xan siyaasadeed ku saabsan magacyada golaha wasiirada cusub ee la filayo inuu Axmed Madoobe ku dhawaaqo, waxaana jira siyaasiyiin badan oo la dejiyay xarunta Madaxtooyada magaalada Kismaayo kuwaasoo dadku u qaateen calaamad muujineysa inay wasiiro yihiin.

Xubnaha madaxtooyada la dejiyay ee jagooyinka wasiir sugaya waxaa ka mida: Maxamuud Sayid Aadan, Maxamed Cusmaan Aw-libaax, Cabdi Baalley Xuseen iyo Iftiin Xasan Baasto, waxaana la sugayaa wixii ku soo kordha arrintan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON