Madaxweynihii dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya, haddana ah musharax u taagan xilka Madxweynaha Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo u diray Somaliland oo maanta laga xusayo sanadguuradii 30-aad ee markii ay ka goosatay Soomaaliya.
“Waxaan hambalyo u dirayaa walaalaha Somaliland oo xusaya 18 May meel kasta oo Caalamka ay ka joogaan, anigoo ugu tahniyadeynaya nabadda, xasilloonida Siyaasadeed iyo hirgalinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee ay ku guulaysteen” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan aaminsanahay in qadiyadda Somaliland iyo xalkeeda ay tahay arrin masiiri ah, muhiimna u ah dib u yagleelidda dowladnimo lagu wada kalsoonyahay oo Soomaaliyeed, taasoo nooga baahan in xil gaar ah la iska saaro, iyadoo lama huraan ay tahay in lala fariisto, la dhegeysto si looga qanciyo 30 sano ka hor dhibaatadii gaartay oo garowshiyo nooga baahan”
Sheekh Shariif wuxuu sheegay in Somaliland ay tusaale wanaagsan u noqdeen mudadaas 30-ka sano ah Soomaalida inteeda kale, iyagoo ku guulaystay sugidda Amniga, Horumarka Bulshada iyo in dadku ay doorasho galaan. soona xushaan cidda hogaaminaysa.
