Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray magaalada Asmara ee dalka Etirea, iyadoo uu halkaasi kusoo dhoweeyay Madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki.
Saddex hoggaamiye ee isugu tegay magaalada Asmara ayaan faafhaahin badan laga bixin qorshahooda, laakiin wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane G. Meskel ayaa sheegay in shirka saddex geesoodka ah ay uga hadli doonaan arrimaha Gobolka, ayna jiri doonaan shirar kala gaara oo ay yeelan doonaan.
Hore waxaa magaalada Asmara kulamo saddex geesood ah ugu yeeshay madaxda Somalia, Itoobiya iyo Eritrea, taasoo ay walaac ka muujisay dowladda Kenya, waxaana hadda muuqata in madaxweynaha Kenya uu qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo weyn kadib markii uu booqasho rasmi ah ku tegay dalka Itoobiya.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA








