Tuesday, June 24, 2025

Maxay ka wadahadleen Safiirka Imaaraadka ee Somalia & Wakiilka Q/Midoobay Micheal Keating [Akhriso]

Safiirka Imaaraadka Carabta u jooga magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay wakiilka xoghayaha guud ee Q/Midoobay ee Soomaaliya, kasoo looga hadlay kaalinta Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.

KUlanka oo kadhacay Magaalada Muqdisho safiirka Imaaraadka Maxamed Axmed Al-Cuthmaan iyo Ergayga Qaramada ee Soomaaliya Michael Keating, waxay wada hadleen arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka ka dhaxeeya safaaradda iyo sidoo kale xafiiska UNSOM, sida ay sheegtay warbaahinta Imaaraadka.

Warka ayaa sheegaya in labada dhinac ka wadahadleen sidii looga shaqeyn lahaa in Soomaaliya laga taageero amniga, la-dagaalanka argagixisada  iyo horumararinta. Wakaaladda wararka ee Imaaraadka Carabta (WAM) ayaa sheegtay in Keating uu ku booriyey Imaaraadka iney sii wadaan teegeerada ay siiyaan Soomaaliya sida dhinacyada Bini’aadannimo, gargaarka iyo horumarinta.

Safiir Maxamed Al-Cuthmaan ayaa uga mahadceliyey Michael Keating sida uu ugu soo booqday xafiiskiisa.

سفير الدولة في مقديشو يلتقي المبعوث الخاص للأمم المتحدة إلى الصومال. /Medium/

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON