Monday, June 23, 2025

Maxay ka wadahadleen Sheekh Shariif, Xasan Sheekh & Cali Mahdi (Akhriso laba Qodob)

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa kulan gaara ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo uga hadlay xaaladda dalka iyo khilaafka ka taagan Doorashada.

Kulanka ayaa yimid, kadib markii Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay salaan ugu tageen Cali Mahdi, waxaana la shaaciyey in kulanka looga hadlay Xaaladda, gaar ahaan khilaafka ka taagan Doorashooyinka, iyagoo isla gartay inay arrintaas dhibaato ku keeni karto geedi socodka Dowladnimada iyo Geeddi socodka Nabadda.

Sida ay baahisay Madasha Qaran ee Xisbiyada saddex madaxweyne ee kulanka yeelatay ayaa looga digay dhibaato ku timaada habsami u socodka dowladnimo iyo in laga hor tago, lana helo talo mideysan oo lagu waajaho arrintaas si looga baaqsado qataraha soo wajihi kara markale Qaranimada Soomaaliya.

Ad

Waxay si gaara uga hadleen Madaxweyneyaasha qabashada iyo sidii looga mira dhalin lahaa shirka u socda Beesha Mudullood, iyadoo la dhiirra geliyey in shirarka ay bulshadu uga tashaneyso aayaheeda la xoojiyo lana gaarsiiyo heer Qaran

“Waxaan iska wareysannay xaaladaha murugsan ee ku gadaaman doorashooyinka iyo sida dowladdu ay uga caga jiideyso in ay doorashada xilligeeda ku qabato, sidoo kale waxaan iska wareysanay shirka beelaha mudulood uga socda Muqdisho oo aan dhiiragalinayno islamarkaana aan rajeyneynp in ilaa heer Soomaali la gaarsiiyo..” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ka hadlay waxyaabihii kulanka looga wadahadlay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON