Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo toddobaadka badan socdaal ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa heshiis cusub la galay shirkadda DP World ee lagu wareejiyay Dekadda magaalada Boosaaso.
Kadib shirar ay Dubai ku yeesheen guddoomiyaha shirkadda DP-World oo Sultan Ahmed Bin Suleym iyo madaxweynaha Puntland ayaa mar kale looga dooday heshiiskii shirkadaasi kula wareegtay dekadda Boosaaso iyo dhismaha laga sugayey inay ku balaariso dekadaasi oo aan weli la bilaabin, waxaana war kasoo baxay madaxtooyada Puntland lagu sheegay in la dedejin doono dhismaha iyo balaarinta Dekadda Boosaaso.
Madaxweyne Deni ayaa ayaa balanqaaday in Puntland samayn doonto jawi sahlaya in degaanada Puntland diyaar u noqdaan maalgashi caalami ah, ayna sugi doonaan sugidda Amniga.
Sida lagu sheegay warka kasoo baxay madaxtooyda Puntland Shirkadda DP-World ayaa balanqaaday inay dedejin doonto dhismaha iyo balaarinta dekedda Boosaaso, ayna fulinayaan heshiisyada ay labada dhinac saxiixdeen.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) ayaa kulankan kadib la qaatay kulamo muhiima masuuliyiinta kale ee Shirkadda DP-World, kuwaasi oo salka kuhaya dar-dargelinta dhammaystirka mashruuca dhismaha iyo balaadhinta dekedda magaalada Boosaaso.
Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inay sidoo kale heshiis la galeen shirkadda Fly Dubai oo duulimaad ka bilaabi doonta Puntland, iyo heshiis kale oo ku sabasan dhoofinta xoolaha.
Madaxweynaha Puntland oo safarkiisii ugu horeeyay ku tegay Imaaraadka ayaa waxaa ku wehliya Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaardda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.


