Monday, July 14, 2025

Maxay Puntland u qarisay Saanadii milateri ee dowladda Federaalka..? [Akhri Warbixin xasaasi ah]

Waxaa la is weydiinayaa Maxay Puntland u qarisay Saanadkii milateri ee dowladda Federaalka u dirtay shalay?

Maamulka Puntland ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo ama saxaafadda la wadaago saanad hub ah oo dowladda Federaalka ay u dirtay maamulkaasi si looga taageero dagaalka ay ku fureen kooxda Alshabaab oo maleeshiyo fara badan ka dejiday xeebaha Gobollada Mudug iyo Nugaal.

Saanadkan oo ka koobneyd laga diyaaradood mid kamida ka timid dalka Imaaraadka Carabta, lana soo marsiiyay dowladda Soomaaliya iyo diyaarad ay direen ciidamada Xoogga dalka ayaa agabka ay sideen wuxuu isugu jiray:

Saanada loo diray Puntland

  • Qoryaha AK 47
  • Rasaasta Boobayaasha culus sida Dhakiishana iyo PKM
  • Rasaasta qoryaha fudud
  • Raashin nafaqo leh
  • Agabyo ciidan oo kale

DAAWO SAWIRRADA SAANADDA DOWLADDA FEDERAALKA U DIRTAY PUNTLAND

Maxay Puntland u qarisay Saanadii milateri ee dowladda Federaalka

Laba diyaaradood waxaa garoonka Aadan Cadde ku sagootiyay madax sare oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo taliska ciidamada, waxayna dowladda Soomaaliya isku dayday inay arrin ka dhigto tallaabo weyn oo ay ku barbar istaageyso Puntland.

Maxay Puntland u qarisay Saanadii milateri ee dowladda Federaalka

Wararka laga helayo Garowe ayaa sheegaya in Puntland ay qaadatay tallaabo ah inaysan ka hadlin oo dhinaca saxaafadda aanay u soo bandhigin si hoos loogu dhigo macnaha taakuladaasi, waxaana arrintan ka dambeeya wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xersi Cali (Qarjab) oo hore ugu eedeeyay dowladda Federaalka inay gacan ku leedahay duulaanka Alshabaab ee Puntland.

Maxay Puntland u qarisay Saanadii milateri ee dowladda Federaalka

Maamulka Puntland ayaa doonaya in wixii taageero milateri ah si toos ah loo siiyo maamulkooda, waxaana dhowaan uu sheegay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas inay xaq u leeyihiin in la siiyo taageero la mida kuwa la siiyo ciidamada SNA ee milateriga Soomaaliya iyo AMISOM.

Maxay Puntland u qarisay Saanadii milateri ee dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland oo magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya ka degay xilli laga sugayay Garowe ayaa dowladda dalkaasi weydiistay taageero milateri iyo in loo tababarro ciidamadiisa, waxaana muuqata in Puntland u dhaqmeyso sida dal xor ah oo kale.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo hore taageero milateri u siisay maamulada dalka oo Puntland ka mid yahay ayaa ka careysiiyay Puntland markii ay deeqdii ugu danbeysay ee sahayda ahayd ay soo marisay dowladda Federaalka ee Muqdisho arrintan oo kamida  sababaha keenay in Puntland ay qariso, isla markaana saxaafadda u soo bandhigi weyso taageerada ay ka heshay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON