Friday, July 11, 2025

Maxay Somalia u noqotay dalka ugu baaritaanka yar Cudurka Covid-19..? (Dhageyso Galka)

Soomaaliya ayaa noqotay dalka ugu yar ee lagu baaro cudurka Covid-19, iyadoo ilaa iminka dad ka yar 1200 qof oo kaliya laga baaray cudurkani.

Dadaka la baaro ayaa maalintii ah 60 ilaa 70 qof, waana dad cudurka uu hayo ama lagu arkay calaamadaha cudurka intooda badan, taasoo aan ka tarjumeynin baaritan dhab ah oo lagu ogan karo cudurka Coronavirus.

Dalka Jabuuti waxaa uu ilaa hadda baaray dad dhan 14,000 qof, halka Kenya ay mareyso 24,000 qof, Itoobiya ayaa iyaduna cudurka Covid-19 ka baartay dad ku dhow 26,000 qof.

Barnaamijka Galka Baarista ayaa lagu faaqiday inta uu le’eg yahay heerka faafitaanka cudurka Coronavirus ee Soomaaliya, marka la eego awoodda baaritaan ee dowladda Soomaaliya oo aad u yar, xilli dhaqaatiirta ay rumeysan yihiin in tirada dadka laga helay cudurka ay aad uga yar tahay dadka dhab ahaan qaba cudurka.

Waxaa kaloo caqabado heystaan isbitaalka loo qorsheeyey dadka qaba xanuunka ee Martiini, iyo dhibaatooyinka haysta dhaqaatiirta iyo shaqaalaha caafimaad ee la tacaalaya xanuunkan.

HOOS KA DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON