Thursday, June 26, 2025

Maxay Soomaaliya ka qabtaan ciidamada ku dhow 100-ka Askari ee UK ka jooga Soomaaliya..?

Magaalada Muqdisho oo sanadyadii lasoo dhaafay Amnigeedu soo hagaagaayay waxaa ku sugan ciidamo badan oo kala socda dalalka Caalamka, kuwaasoo u joogga siyaabooyin kala duwan , qaarkood waa tababarayaal, kuwo waa AMISOM iyo sidoo kale ciidamo kale oo ka socda dalalka Midowga Yurub.

Waxaan si gaar ah u eegeynaa Ciidamada ka socda dowladda UK ee ku sugan Soomaaliya iyo waxyaabaha ay Soomaaliya ka qabtaan.

Ciidamo gaaraya 85 Askari oo ka socda dowladda UK ayaa ku sugan Soomaaliya, waxaana ciidamadaasi ay Soomaaliya ka qabteen Shaqooyin kala duwan, inkastoo ay dowladda UK ansixisay in Soomaaliya loo diro 70 askari oo ujeedkoodu yahay inay tababarraan ciidamada AMISOM ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Dowladda Uk ayaa waxa ay sameysay Howlgal lagu magacaabo Tangham, kasoo oo loogu tala galay in ciidamo loogu diro dalalka ay ka dagaallamaan Kooxaha Islaamiyiinta, waxaana UK ay sheegtay in ciidamada ku sugan Soomaaliya ay ka qeyb ka yihiin howlgalkaasi, Maadaama Soomaaliya ay ka dagaallaamaan Daacish iyo Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka Alqaacidda.

Maxay ka qabtaan ciidamada UK ee ku sugan Soomaaliya?

Colonel John Wakelin taliyaha ciidamada UK ee ku sugan Soomaaliya oo ka hadlayay waxyaabaha ay qabtaan ciidamada dowladda Uk ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay tababaraan ciidamada dowladda Soomaaliya qeybahooda kala duwan sidda SNA, NISA iyo Booliska.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in la talin iyo qibrad ay ku kordhiyaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Koonfur iyo Bartamaha Soomaaliya.

Colonel John Wakelin  ayaa xusay in sidoo kale ay fuliyaan hawlo caafimaad, dhinaca saadka iyo inay gacan ka siiyaan AMISOM dhinacyada kale ee ammaanka.

Colonel John Wakelin ayaa yiri” inkastoo ay wali jiraan rabshaddaha ay geysanayaan Kooxaha islaamiyiinta ah , hadana dalka waxaa uu ku socdaa wadada Saxda  ah ama jihadda toosan”

UK ayaa ka mida dowladaha dhaqaalaha ku bixiya ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, iyadoo ciidamadeeda ku sugan Magaalada Muqdisho aysan wax dagaal ah ku lug yeelan, sida kuwa Mareykanka.

Isha: Force.net

Dowladda Ingiriiska ciidamo u soo dirtay Soomaaliya

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON