Wararka laga helayo magaalada Mumbai ee dalka India ayaa sheegaya in Mid ka mida maxaabiistii Soomaalida ee ku xirnaa Xabsiyada magaaladaasi uu geeriyooday.
Maxbuuskan ayaa la sheegay inuu caafimaad ahaan liitay, isagoo xaaladaasi u geeriyooday xalay, waana maxbuuskii saddexaad ee ku dhinta xabsiyada dalka India. Maxbuuskan geeriyootay ayaa la sheegay inuu isugu darsameen cudurrada macaanka iyo TB-da.
118 Maxbuus Soomaali ah oo intooda badan ku eedeysan burcad badeednimo ayaa ku xiran xabsiyada dalka India, waxaan socda dadaal lagu keenayo dalkooda oo Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan heshiis kula gashay India.