Maxkamad Faransiis ah ayaa dib uga noqotay mamnuucidii lagu soo rogay dharka haweenka islaamka qaataan oo jirkooda daboola ee loo yaqaan Burkini.
Maxkamadda ayaa burisay amar hore uga dhaqan galay magaalada xeebta ku taala Villeneuve-Loubet, kadib markii arrintan ay dhalisay natiijo ka duwan wixii la filayay.
Arrintan ayaa noqotay mid qabsatay baraha Bulshada kadib markii la faafiyay Saraakiil Booliska Faransiiska oo haweeney ku qasbaya haweeney xiran dhar jirkeeda qarinaya inay is qaawiso.
Mamnuucida dharka haweenka islaamka jirkooda ku qariyaan ee aan ahayn xijaabka, balse ah dhar jirkood qarinaya marka laga reebo wejiga, calaancalaha iyo cagaha hoose ayaa ka dhaqan galay tobanaan magaalo oo ku yaala xeebaha Faransiiska, kuwaasoo dumarka u diiday inay xeebaha yimaadaan iyagoo xiran dhar jirkooda qarinaya, waxayna qaarkood soo rogeen ganaax haweeneydii qaadata.
Maxkamadda Faransiiska waxay sheegtay in maayorada magaalooyinka aanay sharci u lahayn inay mamnuucaan dharka dadku qaataan, waxaana markii ugu horeysay mamnuucida laga dhaqan geliyay magaalada Canes ee dalka Faransiiska kadib markii weerar loo adeegsaday gaari xamuul lagu laayay 80 qof.
Xayiraadda dharka haweenka islaamka ee ka soo baxday dalka Faransiiska ayaa keentay inay kordhaan iibka dharkaasi ee dunida, sida ay soo werisay BBC-da 200% ayay kordheen iibka dharka, waxayna dhalisay in natiijo ka duwan tii la filayay ay ka soo baxdo.
Goobjooge.com