Maxkamad ku taal Ciraaq ayaa dil ku xukuntay 16 dumar ah oo Turki ah oo lagu eedeeyey in ay ka tirsanyihiin kooxda la baxday Dawladda Islaamka, laguna qabtay dagaaladii ka dhacay gudaha dalka Ciraaq.
Haweenka u dhashay dalka Turkiga ayaa ka mida boqalaal dumar ah oo xaasas u ahaa dagaalamayaasha kooxda Khilaafada Islaamka ee Daaicsh, iyadoo lagu soo oogay dembiyo ah inay taakulana siiyeen. Qaarkoodna waxay gacan ka gaysteen weerarro ay qaadeen raggii ay u dhaxeen.
Haween kale oo shisheeye ah ayaa hore iyagana dil lagu xukumay oo isla eedo kuwan la mid ah lagu oogay, kuwo kalena waxa lagu xukumay xabsi daa’im.
Boqolaal dumar shisheeye ah ayaa lagu qabtay Ciraaq intii uu socday dagaalkii ay dawladdu kula jirtay kooxda la baxday Dawladda Islaamka, waxaana haatan socota maxkamadayntooda.
Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhaleeceeyey xukunnadaa ku dhacay haweenkaas iyo sidoo kale hanaanka garsoor ee la mariyey oo waxay ku tilmaameen mid aan caddaalad ahayn.