Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ee magaalada Hargeysa ayaa xukun xabsi ah ku riday weriye C/maalik Muuse Coldoon oo muddo saddex bilood ah ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.
Maxkamadda ayaa ku xukuntay 3 sano iyo 6 bilood oo xarig ah, iyadoo lagu eedeeyay inuu aflagaado u geystay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoo barbar dhigay sida la sheegay madaxweynihii maamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Iley iyo aflagaado anshaxa ka fog oo uu ka faafiyey dugsiga Abaarso ee magaalada Hargeysa oo uu leeyahay nin Mareykan ah.
Weriye C/maalik Coldoon in muddo ah tacadiyo badan uga imaanayeen maamulka Somaliland ayaa laga soo qabtay magaalada Burco, waxaana loo wareejiyay magaalada Hargeysa, iyadoo ugu dambeyn xukunkan lagu riday, kadib muddo ay socotay maxkamadeyntiisa.