Sarkaalkii Booliska Mareykanka ee asalkiisu ahaa Soomaaliga ayaa maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ay ku xukuntay xabsi ka badan 10 sano, kadib kiis muddo socday oo ku saabsanaa dilka haweeney u dhalatay dalka Australia.
Sarkaalka Somali-Americanka ah ee ka howlgeli jiray magaalada Minneapolis Maxamed Nuur ayaa ayaa maanta lagu xukumay 12 sano iyo lix bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inuu sanadkii 2017 toogasho ku dilay haweeneyda Justine Damond oo markaas booliska u yeertay si ay ugu sheegto xadgudub ay suuragal ahayd in loo geysto.
Dembi oogayaasha ayaa hore ugu soo eedeeyay sarkaalkan oo 33 sano jir ah dil heerkla labaad ah, oo dembi ahaan xabsiga u yaalla uu yahay 12-15 sano oo xabsi ah sharciga Gobolkaasi, wuxuuna noqday sarkaalkii ugu horeeyay gobolka Minnesota ee maxkamad xukunto tobanaan sano ah.



