Maxkamad ku taalla magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa xukun kale oo kama danbeys ah ku riday 11 qof oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee dalkaasi Dr. Maxamed Mursi oo ciidamadu ay inqilaabeen, iyadoo loo heysto kiis ku saabsan sirta dowladda Masar oo loo gudbiyay dalka khaliijka carbeed ku yaala ee Qatar.
Waxaa dil lagu xukumay saxafi ka tirsanaa Aljazeera TV Ibrahim Hilaal oo isagoo maqan lagu xukumay dil, laguna eedeeyay inuu sirta qaranka u gudbiyay dalka Qatar, waxay kaloo maxkamadda sugtay lix ruux oo dil hore loogu xukumay bishii May.
Madaxweyne Mursi ayaa kiiskan lagu xukumay xabsi daa’im. Hore ayaa sidoo kale waxaa kiisas kale loogu xukumay dil toogasho ah iyo xabsi daa’im.
Fulinta xukunadda dilka ah ayaa dalka Masar waxaa ogolaada Muftiga dalkaasi Shawqi Calaam, inkastoo taasi aysan ahayn waajib.

Tan iyo intii uu talada la wareegay taliyihii ciidamada Masar C/fataax Alsisi waxaa xabsiga dalkaasi lagu guray ilaa 30,000 ruux oo u badan kooxda Akhwaanul Muslimiinta, waxaana madaxweynaha la inqilaaay Maxamed Mursi dhowr jeer lagu xukumay dil toogasho iyo xukunno kale.
Goobjooge.com