Wednesday, June 25, 2025

Maxkamad la soo taagayo wiilkii Soomaaliga ahaa ee weerarka ka geystay London

Wiil Soomaali ah oo weerar loo adeegsaday Mindi ku qaaday dad kala duwan oo ku sugnaa barxaddaa Rusell Square ee magaalada London ayaa la filayaa in maanta la soo taago maxkamad.

Zakariye Bulhan oo 19 sano jir ah, kuna dhashay dalka Norway ayaa u soo guuray dalka Ingiriiska isagoo shan sano jir ah, waxaana uu weerarka ku dilay haweeney Mareykan ah iyo 5 qof oo kale.

Zakariya ayaa lagu soo oogay dacwad ah dilka Darlene Horton oo 64 sano jir ahayd iyo isku day dil markii uu mindi ku weeraray dad fara badan.

Qaar ka kamida dadkii deriska la ahaa Zakariye ayaa saxaafadda Ingiriiska qaarkeed u sheegay in arrinta ku saabsan  in Zakariye miyirkiisu fiyoobeyn ay tahay arrin looga baxsanayo sharciga oo aanay hore u maqlin inuu qabo cudurka maskaxda.

Maxkamadda Westminster ayuu maanta kasoo hor muuqaan doonaa Zakariye, waxaana dembiyada hor yaala ay yihiin kuwa ugu culus ee ay qaadaan maxkamadaha Ingiriiska oo ciqaabtooda aanay ka yareyn xabsi daa’im.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON