Maxkamadda ciidamada maamulka Puntland ayaa Khamiista xukun dil ku riday 43 kamida maleeshiyadii Al-shabaabtii lagu soo qabtay dagaalkii Suuj iyo aaga Garacad ee Gobollada Nugaal iyo Mudug ka dhacay.
Xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdullaahi Ciise Xirsi ayaa sheegay inay xukumeen 43 ka tirsan maxaabiista Alshabaab, isagoo tilmaamay in kuwa la xukumay ay yihiin rag waaweyn.
Wuxuu intaas ku daray in inta harsan ay sheegteen da’ yar, iyadoo uu sheegay in la baarayo wuxuuna tilmaamay inay baaritaan wadeen mudo markii dambe ay xukun ku rideen 43- maleeshiyo ee da’doodu weyn tahay.
Ma cadda sida xukunku u dhacay iyadoo aan saxaafadda loo soo bandhigin, wuxuuse xeer ilaaliyaha ku dooday inay u qabtee qareeno u doodayey, isla markaana rafcaan u furan yahay kuwa dilka lagu xukumey.
Goobjooge.com