Maxkamadda Darajada Koowaada ee ciidamada Milateriga ayaa saaka xukun ku ridey 18 askari oo ka tirsan guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Askartan ayaa waxaa lagu soo eedeeyey inay ku kaceen falal ay ka mid yihiin: khalkhal gelinta guutada dhexdeeda ah iyo ska horkeen ciidamada, waxaana maxkamaddu ku xukuntay mid kasta oo ka mida askartan xukun xabsi ciidan oo 5 Sano ah.
Cidamadan guutada 14-ka October ayaa la aasaasay kadib qaraxii Zoobe kadib, iyagoo ahaa dhalinyaro ka jawaabayay baaqii Madaxweynaha ee ahaa in loo baahan yahay dhalinyaro aqoonyahano ah oo dalkooda difaaca, waxayna durba ku kaceen falal ka baxsan asluubta ciidanka.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa cidamdan ku eedeeyay inay xaalad qabyaaladeed, kala safasho qabiil iyo arrimo kale ku kaceen. Gaashaanle Dhexe Xasan C/raxmaan Aadan (Wabiyow) oo ka tirsan saraakiisha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay ciidankan inay qirteen dambigii lagu soo eedeeyay, kadibna xukunka sidaas uu ugu dhacay.