Kooxda Alshabaab ayaa xukun ku fulisay dhalinyaro lagu soo eedeeyay falal dil iyo kufsi isugu jira, iyadoo markii ugu horeysay Alshabaab ay nin dil geystay ogolaatay inaan la qisaasin, balse Diyo laga qaato ehelkiisa.
Fulinta xukunka ayaa ka dhacay degaanka Buq Aqablle ee Gobolka Hiiraan, waxaana labada dhalinyaro ay geysteen kufsi, iyadoo midkood uu dil u geystay haween uu kufsaday, waxayna maxkamadda ku xukuntay in lagu dhufto midkiiba 100 karbaash.
Eedeysanaha koowaad ayaa kufsaday 4 dumar ah wuxuuna dil u gaystay laba kamida haweenkii uu kufsaday, waxaana la sheegay inuu qirtay dembiga uu galay. Halka eedeysanaha labaad isna lagu soo eedeeyya inuu kufsaday laba haween ah, falkaas oo uu isaguna ka hor qirtay Maxkamadda horteeda.
Maxkamdda ALshabaab soo saartay xukun ah min 100 Jeydal oo lagu dhufto iyo in laga qaado Diyada labadii haween ee la dilay, kadib markii ehelladii lahaa dhiigga dumarka la dilay ay qisaastii ka cafiyeen ayna Diyo dalbadeen, waxaana loogu daray saddex iyo laba soo loogu xukumay sababo la xiriira fasaadka ay geysteen.