Monday, June 23, 2025

Maxkamadda Alshabab oo Wiil & Gabar is-masaafeystay ku fulisay Xukun xad ah, markii uu dacweeyay.. [Akhriso]

Alshabaab ayaa shaacisay in Maxkamadda Alshabaab ee G/Banadir ay fulisay xukun ku saabsan Zina oo ay sameeyeen wiil iyo gabar dhalinyarro ah, kuwaasoo la sheegay inay gogol dhaaf sameeyeen iyadoo galay masaafo.

Garsooraha Alshabaab ayaa sheegay in Saalim Xasan Abuukar oo 17 sano jir ah iyo Qaali Maxamed Abuukar oo 16 sano jir ah lagu xukumay xad Zino oo agu dhuftay midkiiba 100 jeydal, waxaana la sheegay inaysan hore u soo marin guur, iyadoo goob fagaare ah oo aan la shaacin lagu fuliyey xukunkaasi.

Maxkamadda Alshabaab waxaa u dacwooday aabaha dhalay Gabadha Qaali Maxamed oo u sheegay inuu gabadhiisa la baxsaday wiilkan lagu magacaabo Saalim Xasan Abuukar, kaasoo Muqdisho ka masaafeysatay kadibna geeyay degaanka Golweyn ee Gobolka Sh/hoose, iyadoo la maqneyd muddo 7 maalmood ah.

Ad

Markii lasoo qabtay labadii dhalinyaro ee isla baxsaday ayey qirteen inay isu galmoodeen, iyagoo aan sameyn wax nikaax ah, sida ay sheegtay Maxkamadda Alshabaab, kadibna lagu xukumiyey inuu falkoodu ahaa Zino, iyadoo mid kasta lagu dhuftay 100 karbaash oo xadu-zina ah.

Ma jirin qareen u dooday labadan dhalinyaro ee da’doodu aadka u yar tahay, waxaana su’aal ka taagan tahay inaysan nikaax sameyn, iyagoo haddana masaafo galay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON