Wednesday, June 25, 2025

Maxkamadda ciidamada oo dil toogasho ah ku xukuntay 5 ka mida dadkii lagu eedeeyay qaraxyadii Baydhaba

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa shan ka mida  dadkii lagu soo eedeeyay qaraxyadii Magaalada Baydhabo ku Xukuntay  dil toogasho ah, kadib dacwad loo heystay 7 Ruux oo loo heystay Qaraxyadii 28 Febraayo 2016 ka dhacay Baydhaba.

Maxkamadeynta ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yaroow iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, iyadoo mid ka mid dadkii lasoo eedeeyay dembi lagu waayay, ayna maxkamadda amartay in la sii daayo, halka mid kale lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah.

Todobo Eedeysane oo la hor keenay, waxaana guddoomiyaha Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay xukunkan  ayaa sheegay in maxkamaddu diyaar u tahay inay cadaaladda ku fuliso dembiilayaasha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON