Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta u fariisatay dhageysiga Dacwadda dilka Taliyihii ciidamada Gorgor Maxamed Saleebaan Abiikar (Maxaadey) oo ilaalada Hotelka Maa’ida (Ex. Naasahablod 2) ay ku dileen Muqdisho Oktoobar 2019.
Waxaa dacwad lagu soo oogay afar ka mida ilaalada Hotelka ee loo heysto inay ka dambeeyeen dilka Taliyaha Marxuum Maxaadey , iyadoo xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada ay dalbatay in Dil toogasho ah lagu xukumo raggaasi oo ay sheegtay inay si bareer ah u dileen taliyaha.
Afarta eedeysane ee kala ah: Xasan Shuute Cusmaan, Juulle Gaabow Ibraahim,- Salaad Xeyle Macalin, iyo Mukhtaar C/llaahi Muuse ayaa lagu soo eedeeyay falka dilka ah, waxaana laba ka mida lagu soo eedeeyay inay isku dayeen inay marin habaabiyaan kiiska.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay inay xirantay dhageysiga dacwadii, isla markaana Maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto.
Maxamed Saleebaan abiikar maxaadey -Taliyihii ururka Gorgor iyo Dable ismaaciil Maxamuud Maxamed oo ilaalo u ahaa ayaa Muqdisho lagu dilay Oktoobar 2019, waxaana dilkiisa uu sababay xaalad adag iyo dacwad soo jiitameysay muddo 7 Bilood ku dhow.

