Monday, June 23, 2025

Maxkamadda Ciidamada oo lasoo taagay Nin ka tirsanaa Daacish oo Sarkaal ku dilay Muqdisho..

Nin ka tirsan ururka Daacish oo fal dil ah ka fuliyey magaalada Muqdisho ayaa maanta lasoo gabagabeeyay dacwadiisa, kadib markii la soo taagay Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida.

Maxamed Cali Maxamed oo loo yaqaan (Abuu Hureyra) ayaa lagu soo eedeeyey inuu ka tirsanaa kooxda Daacish, isagoo uga biiray Buuraha Golis ee Gobolka Bari, kadibna ay kooxda Daacish u soo wareejisay magaalada Muqdisho si uu dilal qorsheysan uga fuliyo.

Eedeysane Maxamed Cali Maxamed Faarax iyo nin kale oo baxsaday ayaa Suuqa Siinay ee degmada Wardhiigley ku dilay 5-tii Ogost 2019 Kormeere saddexaad Maxamuud Cabdi Dhuxulow oo ka mid ahaa cidamada ilaalada degaanka Xamar ee canshuurta ka ururiya suuqaasi.

Ad

Ninkan ayaa lagu soo qabtay howlgal ay sameyeeen ciidamada Amniga, iyadoo markii lagu amray inuu is-dhiibo uu diiday, lana dagaalamay ciidamada, kadibna rasaas lagu furay oo ka haleeshay gacan iyo Lug, sidaasina lagu qabtay.

Eedeysanahan ayey xeer ilaalinta ciidamada codsatay in dil toogasho ah lagu xukumo, iyadoo loo heysto dilka askari ka tirsan ciidamada dowladda Hoose ee Muqdisho, laguna soo qabtay hubkii uu falkaasi ku geystay.

Maxkamadda ayaa soo gabagabeysay maqalka dacwadda eedeysanahan, waxaana guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) uu soo xiray dacwadiisa iyadoo go’aanka xukunkiisa lagu dhawaaqi doono fadhi kale oo maxkmaddu yeelan doonto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON