Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sii deysaymas’uuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada Afgooye Ismaaciil Aadan Caddow, kuwaas oo loo xirey tuhun la xiriira inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
Eedeysayaal loo qabtay Qarax ka dhacay Guri uu deganaa guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose Cumar Maxamuud Cilmi 6 November 2019 oo uu u dhintay mas’uulkaasi ayaa lagu soo eedeeyay inay ka danbeeyen: Ismaaciil Aadan Cadow, Cabbdikariim Nuur Maxamuud, Cabdi Jaamac Cabdi iyo Daahir Cali Cabdi, waxaana baaritaan lagu sameeyay lugtii ay ku ahaayeen qaraxaasi.
Ismaaciil Aadan Cadow ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada degmada Afgooye, Cabdi Jaamac Cabbdi ayaa isna ahaa guddoomiyaha waaxda Ceelasha Biyaha, Cabbdikariim Nuur Maxamuud ayaa ahaa shacab beeraley ah, halka Daahir Cali Cabdi uu ka tirsanaa ciidanka ilaalada deegaanka Afgooye.
Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda u sheegau inaysan jirin wax caddeymo ah oo muujinaya inay ka dambeeyeen raggan qaraxa uu ku geeriyooday guddoomiye ku xigeenkii gobolka Shabeellada hoose, sidaas darteedna ay u codsadeen inaan loo ciqaabin natiijada tuhun aan buuxin shuruudaha eedda.
Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aamisay in afarta eedeysane ay xor yihiin haddii aysan jirin eedo kale oo loo haysto sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.