Thursday, April 25, 2024

Dowladda Somalia oo Diyaaradda FlyDubai u diiday inay ku degto Garoonka Hargeysa, dibna u celisay..

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in saaka ay garoonka magaalada Hargeysa dib uga laabatay diyaaradda Fly Dubai oo dooneysay inay ku degto garoonkaasi.

Hay’adda Duulista Rayidka ee Dowladda Soomaaliya ayaa amar ku siisay diyaaradda Fly Dubai inaan loo ogoleyn inay ku degto gudaha Soomaaliya, iyadoo la fulinayo amarkii lagu joojiyey diyaaradaha iyo duulimaadyada caalamiga ah ee kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya, cudurka Coronavirus dartiis.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradii Fly Dubai iyo rakaabkii ay waday ay dib uga laabteen garoonka Hargeysa ee Igal International Airport, iyagoo ku noqday halkii ay kasoo duuleen ee dalka Imaaraadka Carabta.

Ad

Diyaaradda ayaa lagu waday inay 7-da subaxnimo ka degto garoonaka Hargeysa, waxayna arrintan uga sii dareysaa xiriirka Somalia iyo Somaliland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON