Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku riday Askari ka tirsan Ciidamada Booliska oo Muqdisho ka geystay dilka laba qof oo shacab ah, kaasoo dhaliyey bannanabaxyo rabshado watay.
Askariga Dable Boolis Xasan Aadan Xasan oo ka tirsanaa ciidamada booliska Saldhiga degmada Boondhere ayaa 24-Kii April Muqdisho ku dilay Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi xilli la dhaqan gelinayay Bandow loo soo rogay cudurka Coronavirus awgiis.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Col. Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa ku dhawaaqay Dembiile Dable Boolis Xasan Aadan Xasan ay ku caddaatay eedaha loo jeediyey , lahun xukumay dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuumiinta kala ah: Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullaahi Cabdi.
Waxaa u furan dil sugaha inu rafcaan ka qaato xukunka dilka ah ee lagu riday muddo bil gudaheed ah.