Monday, June 23, 2025

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Eedeysanayaal loo heystay Burcadnimo [Sawirro]

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun xabsi ah ku riday laba nin ooo burcadnimo ku eedeysanaa.

Eedeysanayaasha kala ah: Aweys Cali Macalin iyo Ayaanle Axmed Nuur ayaa lau soo qabtay iyagoo dhac u geysanaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay wiil dhallinyaro ah oo ku shaqeysto xirfadda sawir-qaadista Xeebta Liido iyo dhac kale oo ay kula kaceen gabar wadatay Teleefanada gacanta oo u adeeg doonatay suuqa.

Waxaa kaloo dadka ay dhaceen ka mida laba wiil oo xeebta liido ka baadi goobayay meyd qof ka maqan oo ay weysanaayeen kuwaasi oo ay ka qaateen laba teleefoon oo ay wateen.

Ad

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda oo ahaa in Aweys Cali Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur lagu xukumay min 8 sano oo xabsi ciidan ah

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku wareejisay agabkiisa wiil dhallinyara ah oo ay ka dhaceen camera uu ku raadsan jiray nolol maalmeedkiisa. Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON