Wednesday, July 2, 2025

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Xubin ka tirsan Amniyaadka Alshabaab & Qaar la sii daayey

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada ayaa xukunno ku riday xubin ka tirsan lagu soo eedeeyay inuu qorsheynayay dilal qorsheysan oo uu ka fuliyo magaalada Muqdisho.

Eedeysanahan ayaa lagu magacaabaa Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim Aadan wuxuu Alshabaab Kaga biiray degmada Saakow sanadii 2013. Waxa uu sheegay in uu qaabilsanaa qaybta ku qaadda weerarada fariisimaha ciiidamada ay ku leeyihiin gobalka Shabeelaha Hoose .

Waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in uu taba-bar ku qaatay muddo Afar bilood ah qoryaha AK, BKM iyo RBG oo lagu baray xero  ay ula baxeen Cuteybah.

Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim ayaa  codsaday kamid ahaanshiyaha qeyb ay ugu yeeraan Amniyaadka kuwaasi oo loogu tala galay in ay gaadmo ku dilaan dadka indhaha u ah bulshada, waxa uu sheegay in Alshabaab ay ka aqbaleen sidaasna loogu qaaday taba-bar lagu baranayo dilka gaadmada ah deegaanka Kuunya-barow.

Waxa uu  raaciyay  in uu qorsheynayay in uu dilo Askari katirsan ciidamada, isaga oo qorshihiisa wata oo aysan u suura gelin xaqiijinta qofka uu raadinayay ayay ciidmada amniga ka qabteen Isgoyska Shaqaalaha ee gobalka Banaadir  20-may 2018.

Sababta uu u doortay amniyaadka ayuu ku sheegay in aysan ka aheyn fikir balse uu doorbiday sida uu sheegay dhaqaala badan oo lagu bixiyo kuwa gaadmada wax ku dilo oo ay Alshabaab u yaqaanaan Amniyaadka.

Cali Maxamed Cabdullaahi ayay maxkamaddu ku xukuntay 15-sano oo Xabsi ciidan ah, sida uu ku dhawaaqday Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ciidamada Qalabka.

Dhinaca kale Maxkamadda Ciidamada ayaa dembi ku weysay oo sii deysay eedeysanayaasha kala ah: Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali, Cabdullaahi Subeyr cumar iyo Cabaas Idiris Sheekh Cali.

Saddexda eedeysane ayaa 12-Novembar  2018 ayy xafiiska xeer ilaalinta ciidamada codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad qaadista eedeysanayaal Cali Aadan Cabduulaahi, C/casiis Idriis Sheikh Cali, Cabdullaai Subeyr Cumar iyo Cabaas Idriis Sheikh Cali.

Maxkamadda ayaa dhageystay eedda xafiiska ay soo gudbiyeen Qiraalka eedeysanaha, waxa ay sidoo kale la wareegeen cadeymo dambi muujin oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta sida Qori AK-47, Labo Babmo F1 iyo boosh ay ku jireen sedax qasanadood oo rasaas ah taasi oo ay u dheertahay in uu ku labisnaa dharka ciidanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON