Friday, June 27, 2025

Maxkamadda Ciidamada oo xukun toogasho ah ku riday Askari Xaaskiisa ku dilay Mindi

Maxkamada Darajada koowaad ciidamada Qalabka Sida ayaa manta waxaa ay xukun dil toogasho ah ku  ku riday eedeynsane Maxamed Cabdiraxmaan Cali oo ahaa askari ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya, kasoo loo heystay dilka xaaskiisii hore Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo ka dhacay degmada Yaaqshiid 19-Disembar 2018.

Eedeysane Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa haweeynayda uu ku dilay Mindi (Toorey), waxaana  degmada Yaaqshiid ay ka qabtay ciidamadda Amaanka, kadibna waxaa ay ku wareejiyeen Hey’adda baarista  dambiyada ee CID. Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanah, markaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada, Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada.

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute waxaa uu sheegay in Maxamed Cabdiraxmaan Cali lagu xukumay  dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax.

Maxkamada Ciidamada ayaa inta badan waxaa ay ku xukuno ku ridaa askarta tirsan Dowladda Soomaaliya iyo dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON