Wednesday, June 25, 2025

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo soo faragelisay isku dhacyada ciidamada dowladda ee Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida aya soo faragelisay isku dhacyada iyo dagaallada sida joogtada ah u dhex mara ciidamada ka wada tirsan dowlada Federaalka ee maalmahan ku sii badanaya magalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo la hadlayay ciidamo ku jira dugsiga tababarka Gen. Gordan ayaa uga digay ciidamada inay dhexdooda ay isticmaalaan qabyaaladda, wuxuuna caddeeyayin qofkii arrimahaasi ku soo caddaato loo ciqaabi doono, sharcigana la hor geyn doono.

Isagoo ka hadlay isku dhacyada ciidamada dhexdooda ee maalmahan dambe ku soo batay magaalada ayuu sheegay inaan la aqbali doonin in ciidamadu ay dhexdooda is dilaan, dad shacab ahna ay ku dhinteen isku dhacyadooda.

Laamaha baarista oo kaashanaya xeer ilaalinta ciidamada ayuu ku amray in ay baaraan dambiyadii dhacay, soona caddeeyaan cidda masuuliyadda wixii dhacay dusha u ridata si loo mariyo wadada cadaaladda.

Dowladda Federalka aya ku guuldarreystay inay wax ka qabato isku dhacyada u dhaxeeya ciidamadeeda oo marar badan amarro laga soo saaray, balse fuli waayey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON