Thursday, July 17, 2025

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo xukuntii ugu degdegta badnaa kaga dhawaaqday Baydhaba

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta magaalada Baydhaba uga dhawaaqday xukunkii ugu degdegta badnaa.

Xukunkan ayaa lagu riday Ragga lagu soo eedeeyay dilkii dhowaan ka dhacay  Masjid ku yaalla magaalada Baydhabo oo lagu dilay Sheekh Maxamed Madeer oo kamid ahaa culimada magaaladaasi iyo ergadii oo xushay xildhibaannada Fedraalka.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa  ku dhawaaqa in Maxamed Aadan Cali Boorow  lagu xukunay Dil Toogasho ah, markii lagu gelay dilka Sheekha.

Maxkamadda aya sidoo kale xukun xasbi daa’in ah ku xukuntay eedeysanayaasha kala ah: Soomow Cali Aadan Ilka Case iyo Xasan C/laahi Ibraahim oo gacan ka geystay falka dilka ah.

Kiiska ragga maanta la xukumay ayaa magaalada Baydhaba ka dhacay 16 kii Bishan oo ah shan maalmood ka hor.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON