Monday, June 23, 2025

Maxkamadda Ciidamada xukun Dil & Xabsi isugu jira ku riday 9 Eedeysane oo Alshabaab ka tirsan (Haweeney ka mida)

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan ku ridday 9 eedeysane oo lagu eedeeyay Alshabaabnimo iyo inay Dilal ka geysteen Muqdisho iyo qaraxyo ay abaabuleen.

Eedeysanayaasha Alshabaab ayaa qaarkood dibadjoog ahaa, waxaana la xukumay iyagoo maqan, kooxdan oo ka koobneyd 9 qof ayaa waxaa madax u ahaa horjooge lagu magacaabo Ilka-case oo ku eedeysnaa inuu ka danbeeyay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo galaaftay dad ku dhow 180 qof [AKhriso Qisadiisa].

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida G/Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay Xukunnada kala duwan oo kala ah oo isgu jiray Dil toogasho ah iyo xabsiyo, waxaana lagu kala xukumay:

  • Maxamed Xaaji Axmed (Ilka-case) iyo Axmed Maxamed Haashim oo goobjoog ahaa -Waxaa lagu xukumay Dil toogasho ah.
  • 4 Eedeysane oo kalah ah: Sharma’arke Cumar Axmed, Axmed Faarax Iidle, C/Raxmaan Sheekh Cabdullahi, Ramadaan C/raxiim Mursal oo maxkamadda ka maqan lagu xukumay Dil toogasho ah.
  • Faadumo Xuseen Cali Caddaawe oo maxkamadda joogtay waxaa lagu xukumay xabsi 15 sano ah.
  • C/Naasir Axmed C/qaadir oo maxkamadda ka maqan waxaa lagu xukumay Xabsi daa’im.

Muddo 30 maalmood ah ayey heystaan eedeysanayaasha oo ay rafcaan ku qaadan karaan, sida Maxkamadu caddeysay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON