Thursday, June 26, 2025

Maxkamadda Ciidmada oo Dil Toogasho ku xukuntay Isbaariiste degmada Balcad ku dilay Darawal

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Dil toogasho ah ku xukuntay Nin dabley ahaa oo isbaaro taalla degmada Balcad ku dilay Darawal gaadiidka BL-ka ee ka shaqeeya Gobolka Sh/Dhexe.

Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa lagu xukumay xukun Dil toogasho oo ah Qisaasta Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo uu u dilay Shilimaad baad ah, falkaasi oo 29-kii November 2022, ka dhacay degmada Balcad.

Eedeysanaha Cabdiraxmaan Caddow ayaa ka howlgalayey Isbaaro taallay Balcad meesha looga baxo, gaar ahaan halka loo yaqaano kulanka Yarow Farxaan oo ah wadada aada dhinaca Magaalada Jowhar, waxaana ku markhaati furay dadkii saarnaa Gaariga shacabka ah.

Marxuumka Saylax ayaa ahaa Darowal si wayn looga yaqaano tuulooyinka iyo degmooyinka Shabeellaha Dhexe, waxaana maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Shan Maalmood kadib falkii dilka ee Marxuum Saylax Cabdulle Axmed Salaada ayaa dil toogasho ah lagu xukumay dableygii falkaasi ka damnbeeyay, sida uu ku dhawaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Xasan Nuur Shuute.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON