Sunday, February 5, 2023

Xasan Sheekh: “Roobow Hub uma dhiibeyno, mana dagaalamayo, laakiin si kale ayuu faa’iido…”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay sababaha ugu waaweyn ee uu Golaha Wasiirada dowladda Soomaaliya ugu soo daray Wadaadka hore uga tirsanaa Alshabaab ee Mukhtaar Roobow Cali.

Wareysi uu siiyay Wargeyska ‘The Guirdian’ ee dalka Ingiriiska ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in ujeedka ugu weyn uu ahaa sidii madaxda iyo saraakiisha Alshabaab loogu qancin lahaa inay kasoo goostaan ururka, haddii ay sidaasi yeellaanna aysan la kuli doonin in si xun loola dhaqmo.

Madaxweyne Xasn Sheekh ayaa aaminsan in Mukhtar Roobow uu ku qancin karo ugu yaraan qaar ka mid ah saaxiibadiisii hore ee Alshabaab inay inay soo goostaan. “Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan aan la bah-dili doonin, si xunna loola dhaqmi doonin.” ayuu yiri.

Ad

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay wargayska in wasiir Roobow uu xiriir la furay qaar ka mida xubnaha heerka dhexe ee Al-Shabaab, kuna dhiirigelinayo inay dhinac dowladda usoo wareegaan.

“Ma siineyno Hub, kamana rabno inuu dagaalamo, laakiin si kale ayuu faa’iido noogu yeelan karaa..” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha k saaray in Mukhtaar Roobow aan loo adeegsan doonin dagaalka toska ah ee Alshabaab, wax hub ahna aan loo gacan gelin doonin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,969FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!