Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Xukun xabsi culus ah ku riday agaasimeyaashii ugu waaweynaa wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ee loo heystay arrimo la xiriira musuqmaasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.
Dacwad muddo soo socotay oo loo heystay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Maaliyadda iyo agaasime waaxeedyo kale ayaa maanta lasoo gabagabeeyay markii shan mas’uul lagu helay eedihii loo heystay oo ahayd lunsasho hanti dadweyne, waxaana lagu kala xukumay sida soo scoota:
1 – Agaasimaha Guud ee Wasaarada C/laahi Xaashi Cali waxaa lagu Xukumay 9 sano oo xabsi iyo ganaax lacag oo dhan $2366 oo ay wehliso ka reebin xafiis dadweyne.
2 – Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada Maxamuud Buulle Maxamuud waxa lagu Xukumay 18 sano oo xabsi ah iyo $ ganaax lacageed oo dahn 2366 Doolar iyo ka reebid xafiis dadweyne.
3 – Agaasimaha qeybta Xisaabaadka Mahdi Abshir Maxamed waxaa lagu xukumay 12 sano o xabsai ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366$ iyo ka reebid xafiis dadweyne.
4- Madaxa Mashruuca Malaariyada Bashiir Cabdi Nuur waxaa lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan $1183 ay wehliso ka reebid xafiis dadweyne muddo shan sano ah.
Mas’uuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee denbiyada lagu waayey waxay kala yihiin:
5- Naciima Cabdiqaadir Maxamed, maamulaha mashruuca taran iyo hooyada ee wasaaradda oo ku eedeysan 241, 363, 366, 375 iyo 376, waa lagu waayey qodobada lagu soo eedeyey waxaa loo celiyey xuriyadeeda.
6- Axmed Aden Maxamed, agaasimaha waaxda caafimaadka guud ee wasaaradda, kuna eedeysnaa 241, 363, 366, 375 iyo 376, waxaa lagu waayey qodobada lagu soo eedeeyey, waxaana la siiyey xuriyadiisa
7- Cabdiqaadir Weheliye Afrax, agaasimaha saadka iyo adeegga caafimaadka ee wasaaradda oo ku eedeysnaa 241, 363, 366, 375 iyo 376 waxaa u cadaatay waaxda daaweynta, waxaa lagu waayey qodobada, xuriyadiisana waa la siiyey.
8- Faarax Yuusuf Maxamed, maamulaha mashruuca wacyigelinta ee wasaaradda oo ku eedeysnaa 241, 363, 366, 375 iyo 376, waxaa cadaatay inuu yahay madaxa qeybta wacyigelinta talaalka wasaaradda, waxaa lagu waayey qodobada lagu eedeyey, xuriyadiisana waa la siiyey.
9- Sumaya Axmed Cusmaan, xisaabiyaha mashruuca TB, oo ku eedeysnaa 241, 363, 366, 375 iyo 376, waxaa lagu waayey qodobada lagu soo eedeyey, waxaana la siiyey xuriyadda.
Maxkamad lasoo taagay Agaasimeyaashii Wasaaradda Caafimaadka ee lagu eedeeyay Musuq..
Mas’uuliyiinta wasaaradda Caafimaadka ee dacwadu ku socotay ayaa gaarayey 9 qof, waxaana la sii daayey 5 mas’uul oo maxkamadu sheegtay in lagu waayey dembiyadii lagu soo oogay, iyadoo dacwadan loo fariistay 14 jeer.