Saturday, July 12, 2025

Maxkamadda G/Banaadir oo Xukun ku riday Burcad Badeed Soomaali ah (Magacyada)

Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa xukun ku riday shan Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay Burcad Badeednimo, kadib dacwad uu ku soo oogay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Kiiska Shanta eedeysane oo ka socday Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa laga soo saaray xukun xabsi ah, waxaana mid waliba lagu xukumay 5 sano, 3 bilood iyo 10 maalmood oo xarig ah.

Eedeysanayaasha la xukumay ayaa kala ah:

1. C/kariin Saalax Maxamed Maxamuud (Awkoombe).
2. Maxamed Cali Cismaan
3. Axmed Cali Yaasiin
4. Abshir Maxamed Jaamac
5. Maxamed Cumar Jaamac

Maxkamadda ayaa ku heshay falal burcad-badeednimo, iyadoo kiiskan uu noqonayo kii ugu horeeyay ee muddooyinkan la xukumo Burcad Badeed Soomaali ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON