Monday, June 23, 2025

Maxkamadda ICJ oo diiday codsigii Dowladda Kenya ee Dib u dhigista Kiiska Dacwadda Badda

Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa diiday codsigi dowladda Kenya ee ahaa in dib loo dhigo qaadista dacwadda Badda ee Somaliya iyo Kenya oo mudeysan inay dhacdo 15-ka bisha Maarso 2021.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Maxkamdda ICJ ayaa lagu sheegay in ka dib markii ay maxkamaddu eegtay qoraallada ka soo gaaray labada dal ay go’aansatay in aan la bedelin waqtiga loo qorsheeyay in dacwadda la qabto oo ku beegan 15-ka bisha March. Dhagaysiga ayaa ku dhici doona qaabka fogaan aragga ah, sida ay maxkamaddu qoraalkeeda ku sheegtay.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan u gudbisay Maxkamadda ICJ in aysan ka qeybgali karin dhagaysiga loo ballansan yahay bisha danbe, iyadoo sheegtay in cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu saameyn ku yeeshay howlihii guddiga qareennada ee ku matalaya dacwadda hortaalla maxkamadda.

Ad

Hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyadoo tallaabada Kenya ka jawaabeysa ay qoraal u gudbisay Maxkamadda, ayna ku caddaysay in ay diyaar u tahay in ay ka qeyb gasho dacwadda bilaabanaysa bisha March, oo aysan dooneyn dib u dhigis kale.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka xukuumadda xilka sii heya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inay Makamadda u xaqiijisay inay dacwadu dhaceyso xilligeedii loo qabtay. “Maxkamadda waxay go’aan shalay ku gaartay in dhageysiga dacwadda oo horayna ay u muddeysay hase yeeshee Kenya ay codsatay in dib loo dhigo, in aan la aqbaleynin in dib loo dhigo mar dambe. Sidaa daraaddeed dhinacyadu ay u soo diyaar garoobaan 15-19 bisha March” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo warbaahinta dowladda la hadlay.

Maxkamadda ICJ ayaa hore muddo saddex jeer ah dib ugu dhigtay dhageysiga Dacwadda Badda ee Somaliya iyo Kenya, markii ay dowlada Kenya codsatay, laakiin markii afraad ayaa muuqata inay diiday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON