Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir ayaa bilowday inay dhageysato eedeymaha loo heysto Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame.
Dacwad oogayaasha ka socday xeer ilaalinta ayaa maxkamadda u gudbiyey eedaha loo heysto siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo aan soo xaadirin maxkamadda, balse waxaa yimid qareenkiisa Tahliil Xaaji.
Maxkamadda ayaa dib u celisay Qareenka C/raxmaan C/shakuur kadib markii laga waayay warqadda wakiilashada eedeysanaha, waxaana arintan ay noqotay mid keentay sii socon weyso maxkamadda, waxaana eedeysane C/raxmmaan la sheegay in cid aanu u wakiilan aysan ka difaaci karin eedaha loo heysto.
Abuukaate Tahliil Xaaji ayaa dib uga laabtay maxkamadda, iyadoo la filayo inay maxkamadda warqad soo qabasho ah u qorto eedeysane C/raxmaan C/Shakuur Warsame ama mar kale loo yeero.