Friday, July 4, 2025

Maxkamadda Rafcaanka oo sii deysay 2 ka mida mas’uuliyiintii Wasaarada Caafimaadka ee u xirnaa Musuqa

Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa Jebisay Xukun ay hore Maxkamada Gobolka Banaadir ugu riday laba ka mida mas’uuliyiin ka tirsanaa Wasaarada Caafimaadka ee Xukuumada Soomaaliya kuwaasi oo lagu helay arrimo musuqmaasuq ah.

Qoraal kasoo baxay Maxkamada Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa lagu caddeeyay in Bashiir Cabdi Nuur oo ahaa madixii Xisaabaadka Mashruuca Wacyigelinta Caafimaadka iyo Mahdi Abshir Maxamed oo ahaa madaxa xisaabaadka Mashruuca Malaria iyo HIV/AIDS in Xuriyadooda dib loogu Celiyo, kadib markii lagu waayey wax danbi ah .

Xukunka ay jebisay Maxkamada Rafcaanka G/Banaadir ayaa dhacay bishii Ogost 2020, waxayna Maxkamadda Gobolka Banaadir, labada mas’uul ee maanta la sii daayey ku kala xukuntay sida soo socota:

3 – Agaasimaha qeybta Xisaabaadka Mahdi Abshir Maxamed waxaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366$ iyo ka reebid xafiis dadweyne.

4- Madaxa Mashruuca Malaariyada Bashiir Cabdi Nuur waxaa lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan $1183 ay wehliso ka reebid xafiis dadweyne muddo shan sano ah.

Waxaa hadda xabsiga ku harsan Agaasimihii guud ee Wasaaradda C/laahi Xaashi Cali oo ku xukuman 9 sano oo xabsi iyo ganaax lacag oo dhan $2366 oo ay wehliso ka reebin xafiis dadweyne. Iyo Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyada Maxamuud Buulle Maxamuud waxa lagu Xukumay 18 sano oo xabsi ah iyo $ ganaax lacageed oo dahn 2366 Doolar iyo ka reebid xafiis dadweyne.

Kiiska Musuqmaasuqa ee wasaaradda Caafimaadka oo ahaa kii ugu weynaa ee caddeymo loo helo ayaa hadda u muuqda in xilligan kala guurka uu meesha kasii baxayo. Maxkamadda Rafcaanka waxay hor u jebisay kiisas kale oo musuq la xiriira.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON