Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Liibaan Cali Yaroow ayaa beeniyay war laga faafiyay kiiska dilikii wasiirkii howlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya Cabbaas C/llaahi Siraaji.
Guddoomiyaha ayaa beeniyay wararka sheegaya in Madaxda dowladda qaarkeed ay diideen in Labada Beelood ee Wasiirka iyo Askariga wax dilay ay diyo kala qaataan ama wadahadlaan.
Liibaan Yarow ayaa caddeeyay in eedahaas ay yihiin kuwo been abuur ah,wuxuuna sheegya inaysan jirin cid ka mid ah madaxda sare ee dalka oo kala hadashay ama soo faragelisay kiiska dilka wasiirka, dadka qaarkoodna ay been abuur ka sameynayaan kiiska.
Odayaal kaso jeeda beesha askariga dilka lagu xukumay ee lagu helay dilka wasiirka ayaa sheegay in madaxda dowladda ay ka hor istaageen in labada beelood ay wadahadlaan.