Wednesday, June 25, 2025

Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo go’aan ka qaadatay xukun dil & xabsi daa’im ah

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ciidamada Qalabka sida Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow ayaa magaalada Baydhabo uga dhawaaqay  Go’aanka maxkamada ka gaaray rafcaanka xukunno dil iyo xabsi daa’im isugu jira.

HOOS KA AKHRISO QORAAL KASOO BAXAY MAXKAMADDA SARE EE CIIDAMADA QALABKA SIADA

Go’aan Maxkamadeed:

MAXKAMADDA SARE CIIDAMADA QALABKA SIDA

MARKAY ARAGTAY:Rafcaanka ay soo qorteen:-

1) Maxamad Aadan Cali (Booroow) 22 jir ah Ina Khadiijo Macalin Maxamad ku dhashay Bakool .
2) Soomoow Cali Aadan (C/laahi Ilka-Case) 23 jir ah Ina Makaay Isaaq Keeroow ku dhashay Bakool .
3) Xasan C/laahi Ibraahin (Qoor-Gaab) 28 jir ah Ina Xabiibo Maxamad ku dhashay Waajid Degan Baydhabo.

MARKAY ARAGTAY: Aayada 178aad Suartul Baqara iyo Qodobada. 434, 221 XCS. oo lid ku ah Racfaanlayaasha.
MARKAY ARAGTAY:Xukunka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Q.60aad ay ku xukuntay Racfaanlayaasha .

MARKAY ARAGTAY: qiraalka racfaanle Maxamad Aadan Cali (Booroow) uu ka hor qoray garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsan yahay ururka Al-Shabab isla-markaana uu 2 xabad ku dhuftay sheekh madeer madgaab Aliyoow oo ku jira salaada taraawiixda gudaha masaajidka sheekh Aadan wariish asagoo gacan ka helaya racfaanlayaal Ilka-Case iyo , Qoor-gaab .

Markay Aragtay:- qiraalka racfaanle Soomoow Cali Aadan ( Ilka-Case) uu ka hor qoray garsoorka ciidanka hortiisa kuna cadeeyay in uu ka tirsan yahay ururka Al-Shabab isla-markaana lagu soo qabtay Bastoolad Makaaroof ah howshaasna uu gacan ku siinaaye Xasan C/laahi Ibraahim (Qoor-gaab).

MARKAY DHAGAYSATAY: Markhaatiyaashii la hor keenay Maxkamadda marag furkii ay bixiyeen oo ahaa in ay soo qabteen racfaanlaha 1aad (Booroow) ayna gurigiisa kasoo qaadeen bastoolad makaarof ah iyo hal bambo f1 ah, sidoo kale racfaanlaha 2aad ( ilka-case) ay kasoo qaadeen gurigiisa hal bastoolad oo makaaroof ah, waxay sheegeen maragu in labadaba u sheegeen in uu la shaqeeyo racfaanle {qoorgaab} una qaabilsanaa inuu soo sahmiyo qofka la dilaayo asagana uu soo sahmiyay sh. madeer madgaab si loo dilo
MARKAY DHAGAYSATAY:- Doodii u dhaxaysay dhinacyada xeer-ilaalinta CQS iyo qareenada difaacayay Racfaanlayaasha.

MAXKAMADDA WAXAA U CADAATAY:
In Racfaanlayaasha kala ah: 1- Maxamad Aadan Cali (Booroow). 2- Soomoow Cali Aadan (C/laahi Ilka-Case). 3- Xasan C/laahi Ibraahin (Qoor-Gaab) ay wada yihiin dembiilayaal galay dembigii lagu soo oogay.
MAXKAMADDA SARE CIIDAMADA Q.SIDA WAXAY KU RAACDAY
Xukunkii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Q.60aad horey ugu xukuntay oo ahaa:-
1- Maxamad Aadan Cali (Booroow) waxay ku xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Sheekh Madeer Madgaab Aliyoow.
2- Soomoow Cali Aadan ( Ilka-Case) iyo Xasan C/laahi Ibraahim (Qoor-gaab) waxay ku wada xukuntay Xabsi Daa,in.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON