Friday, June 27, 2025

Maxkamadda Sare oo bilaabeysa dhageysiga Dacwad Xisbiga Sheekh Shariif kusoo oogay Xukuumadda Somalia

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa bilaabeysa dhageysiga dacwad uu xukuumadda Soomaaliya kusoo oogay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Guddoomiyaja maxkamadda sare Baashe Yuusuf ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay billaabi doonaan dhageysiga dacwadda uu usoo gudbiyey xisbiga Himilo Qaran, taasoo la xiriirtay xayiraddii dhinaca safarka ee bishii September Garoonka Muqdisho looga celiyey madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay in Maxkamadda sare ay ka madax bannaan tahay dhinacyada is haya, isla markaana aysan jirin cid u yeerin karta go’aanada ay maxkamaddu gaari doonto, isagoo intaas ku datay in hay’adda dacwadda laga keenay ay qoraal u direen si ay uga soo jawabaan. kadibna la bilaabi doono qaadista dacwadaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON