Monday, June 23, 2025

Maxkamadeyntii ku socotay Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Iley oo mar kale dib loo dhigay

Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar Iley ayaa mar kale maanta markii Shanaad lasoo taagay maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Cabdi Iley oo marar badan dib loo dhigay dacwadiisa markii ay xeer ilaalinta codsatay in la siiyo waqti dheeraad ah, iyadoo lagu soo eedeeyay falal ka baxsan bani’aadamnimada intii uu xukunka hayey oo ay ugu weyn tahay kicin xiisad qowmiyado.

Maxkamadda ayaa mar kale muddo 10 maalmood dib u dhigtay dacwadda Cabdi Iley, iyadoo mar kale la hor keeni  doono maxkamadda 29-ka bishan Oktoobat, waxayna noqoneysaa markii shanaad ee dacwada dib loo dhigo.

Ad

Booliska Itoobiya ayaa ku eedeeyay Cabdi Iley inuu isku dayey inuu xabsiga ka baxsado, iyadoo markii la weydiiyay uu beeniyey, una sheegay maxkamadda inay arrintaasi tahay mid lagu doonayo in sumcadiisa lagu dilo.

Cabdi Iley iyo afar xubnood oo maamulkiisa ka tirsanaa ayaa loo heystaa rabshadihii Jigjiga ka dhacay 4-tii Agoosto ee sanadka, waxaana Cabdi Maxamuud Cumar laga soo xirey guri ku yiilay magaalada Addis Ababa 27-dii August ee sanadkan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON